Siyaasiyiinta iyo Odayaasha beesha Xawaadle oo kahor yimid qaabka uu u socdo shirka JOWHAR

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Sh/Dhexe, ayaa sheegaya in Siyaasiyiin iyo Odayaal kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ay ka hor imaaden qaabka uu u socdo Shirka maamulka loogu dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha kasoo horjeeda qaabka uu shirka u socdo ayaa iminka qeyb ka ah shirka socda, waxa ayna qaadaceen sida maamulka Sh/Dhexe iyo DFS ay shirka u wadaan.

Ibraahin Xabeeb oo kamid ah Siyaasiyiinta Hiiraan ayaa sheegay in shirka ka socda Jowhar uu yahay mid lagu luminaayo kalsoonida reer Hiiraan islamarkaana ay DFS ugu hiilineyso Beelaha dega Gobolka Sh/Dhexe.

Siyaasigu waxa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka ku sugan shirka ay gabi ahaan yihiin kuwo magac u yaal ah, waxa uuna farta ku goday in DF ay si rasmi ah ula wareegtay shirka.

Ibraahin Xabeeb ayaa sidoo kale sheegay in Tallada Odayaasha aysan iminka ka socon shirka balse Dowladu ay iyada la imaaday tallooyinka Ergaduna ay ku cadaadineyso in la qaato go’aanadeeda.

Dacar Xersi Nuur oo ka mid ah Odayaasha ka soo jeeda Gobolka Hiiraan kuna sugan shirka ka socda magaalada Jowhar oo la hadlaayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho, ayaa sheegay inaysan diidaneyn shirka Maamulka loogu dhisayo labada Gobol balse waxuu tilmaamay in dad kale ay faraha la galeen howsha taasina ay tahay mid sababta u ah inay ka hor imaadan qaabka uu shirka u socdo.

Dacar waxa uu tilmaamay in ujeedka shirka laga leeyahay uu yahay in Ergadu ay isla qaadadhigto qaabka ugu haboon ee maamulka lagu sameynkaro balse waxa uu cadeeyay inay u muuqato in faragalinta shirka ay ku heyso DF ay sabab u noqon karto in lagu kala boodo shirka oo idil.

Sidoo kale waxaa dhaliil taa lamid ah DFS u jeediyay Cabdi Maxamuud ”Cabdi Dheere” oo kamid ah Nabadoonada kasoo jeeda Gobolka Hiiraan kuna sugan Magaalada Jowhar ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay kasoo gudubtay xeendaabkii u yiilay madasha shirka waxa uuna qeexay in inta badan Odaayasha reer Hiiraan ay ku sugan Magaalada Jowhar ayna ka qeyb galayaan shirka balse ay dhaliilsan yihiin qaabka ay wax u socdaan.

Dhanka kale, gabi ahaan Siyaasiyiinta iyo Nabadoonada waxa ay carab dhabeen inaysan ku qanacsaneyn qaabka uu u socdo shirka waxa ayna qeyla dhaan ka muujiyeen qaabka ay Dowlada u wado qorshaha shirka.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayay ugu baaqen inay wax ka bedesho faragalinta ay ku heyso shirka waxa ayna ka digeen in dhinac ay ka noqoto shirka socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com