Xog: Labo ujeeddo oo Jawaari geysay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Xog dheeraad ah oo aan ka heleyno safaraka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya dhawaan uu ku tagay magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu lahaa labo ujeedo oo kala duwan, waxaana taasi ay fursad u noqotay maamulka JUbbaland.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu magaalada Kismaayo u tagay arimo ay kamid yihiin sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii ka dhaxeeyay baarlamaanka Soomaaliya iyo baarlamaanka maamulka Jubbaland oo mooshin baarlamaanka SOomaaliya laga keenay lagu sheegay ineysan ansax aheyn.

Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa waxaa magaalada Kismaayo markii uu tagay si weyn ugu soo dhaweeyay gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland, waxaana la doonayaa inuu dhameeyo khilaafkii u dhaxeeyay baarlamaanka Soomaliya iyo kan Jubbaland.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in is afgarad wanaagsan uu dhexmaray maamulka Jubbaland iyo Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la filayaa in dhawaan uu Jawaari si cad u sheegaa in la dhameeyay khilaafka labada baarlamaan.

Dhawaan ayay aheyd markii magaalada Muqdisho uu yimid gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Jubbaland kaasi oo markii uu Kismaayo ku laabtay shaaciyay in la dhameeyay Khilaafkii u dhaxeeyay Jubbaland iyo dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com