GUULEED oo carro afka jabsaday, kana digay…

Muqdisho (Caasimada Online) – C/kariin Xuseen Gulleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa si carro leh uga hadlay cadaaladarida iminka ka taagan gayiga Somalia waxa uuna walaac ka muujiyay dhibaatooyinka ay ka dhexli karaan Soomaalida.

C/kariin Gulleed isaga oo ka hadlaayay Cadaaladarida ayaa waxa uu tusaale usoo qaatay burburka Somalia oo uu sabab uga dhigay cadaalada oo laga weecday waxa uuna iminka farta ku fiiqay inay aafooyinka laga dhexli karo cadaaladarida ka taagan Somalia.

Gulleed oo cadaaladarida ku tuhmaaya DFS iyo maamulada dalka ayaa waxa uu ka digay in caqiido laga dhigto, waxa uuna carab dhabay in Soomaalida oo idil ay u siman tahay dalka taasina loo baahan yahay in Dowlada iyo Maamulada ay ugu arxamaan si looga baxo jawiga qabyaaladeysan ee Somalia kusii baahaya.

Dowladda Federaalka ah ee Somalia iyo Maamulada ka jira dalka ayuu ku booriyay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyagoo wax waliba ku saleynaya cadaaladda, sida uu hadalka u dhigay.

”Waxaa la joogaa xiligii la samata bixin lahaa Umadda Soomaaliyeed waxaa ii muuqda in horumarka Somalia ay hortaagan tahay cadaaladarida hareereysay xarumaha Dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jirro. waa in aan la imaana isbedel taariikh ah oo aan ka fogaanaa wax waliba oo iska horkeeni karro Siyaasadeena”

Gulleed ayaa sidoo kale Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay dhexda u xirtaan sida looga dhabeyn lahaa hirgalinta iyo ka faa’iideysiga iftiinka yar ee haatan muuqda ee ku aadan horumarka uu ku talaabsanayo Dalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa kusoo beegmaaya xili DFS iyo Maamul Goboleedyada ay isku mashquulsan yihiin, sidoo kalane ay shacabka Soomaaliyeed ku kala soocaan qabyaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com