Soomaaliland oo qaati ka taagan DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Soomaaliland oo dhawaan ka digay faragalin ay kala kulmeyso DFS, ayaa mar kale banaanka usoo saartay dibin daabooyin ay sheegtay inay kala kulmeyso DFS.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa sheegay in DFS ay dhaqaale adag ku bixineyso shaqsiyaad uu sheegay inay doonayaan kala jarka deegaanada maamulka Somaliland.

Warancade waxa uu sheegay in Dowladu ay xubno Siyaasiyiin ah usoo dirtay Gobolka Cayn si uu yiri halkaasi ay uga sameeyaan maamul ka madax-banaan Somaliland waxa uuna taasi ku sheegay mid ay Dowladu ku carqaladeyneyso hanaanka Siyaasadeed iyo kan amni ee maamulka Somaliland.

Warancade wuxuu sheegay in deegaano ay ka mid tahay Balli-Cad ay ciidammadooda ku dhaqaaqeen ka dib markii sida uu sheegay ay Dowladda Somalia halkaa u dirtay kooxo khalkhal geliyay nabadgelyada, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in deegaanka Balli-Cad iyo qeybo badan ay iminka ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Dowlada Somalia kuwaasi oo uu sheegay inay wehlinayaan Xubnaha ay Dowladu halkaasi usoo dirtay.

Waxa uu sidoo kale hubaal ku sheegay inay jiraan warar hoose oo muujinaaya in DF ay hubeyneyso ciidamada Khaatoumo oo uu sheegay in qorshuhu yahay in lagu jabiyo kuwa maamulka ee deegaankaasi ku sugan.

Warancadde ayaa DF uga digay inay kusii dhiirato waxa uu ugu yeeray faragalinta ay ku heyso Somaliland waxa uuna wacad ku maray inaysan gacmaha ka laaban doonin.

Hadalka kasoo yeeray maamulka Soomaaliland ayaa kusoo beegmaya xilli seddex maalin un ka hor ay deegaanka Balli-Cad oo qiyaastii 70 KM dhanka koonfur Bari kaxigta magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ay kala wareegen maamulka Khatoumo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com