Jawaari oo ka laabanaya go’aanka baarlamaanka Somalia ee ka dhanka ah Jubaland (Xog cusub)

Kismaayo (Caasimada Online) Guddoomiyaha Baarlabaanka JFS Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socdo ka hadla baarlabaanka Jubbaland.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu raalli gelin ka bixin doonaa mooshinkii aay baarlabaanka JFS ku go’aamiyeen in uu baarlabaanka Jubbaland uu yahay mid sharci darro ah, bartamihii sanadkii hore ee 2015.

Guddoomiyaha oo ugu jira dadaal sidii uu baarlabaanka JFS iyo ha’ayadaha kale ee dowladda aay u heli lahaan muddo kororsi, ayaa waxaa uu xalay la kulmay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday codsiga Jawaari oo ahaa in uu ogolaado in muddo kororsi loo sameeyo baarlabaanka JFS. Waxaa uuna xujo uga dhigay in marka hore uu ka laabto go’aankii BJFS aay ku gaareen in Baarlabaanka JUBBALAND uu yahay sharci darro, isagoo markaa codsaday inuu hortago baarlabaanka Jubbaland oo uu halkaa raalli gelin ka bixiyo.

Su’aasha aay dadbani is weydiinayaan ayaa ah, Guddoomiye Jawaari awood ma u leeyahay in qaraar aay gaareen Baarlabaanka JFS uu isago ka horyimaado oo uu baabi’iyo?

Waxii soo kordha halkan ayaan idiinku soo tebin doonaa

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com