Xog: Qorshihii Xasan Sheekh oo la is-hortaagay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka dib ubilowday doodihii madaxda Soomaaliyeed uga socday magaalada Kismaayo.

Madaxda DFS iyo kuwa Gobolada dalka ayaa waxa ay isku khilaafsan laba qodob oo kala ah in labada aqal midna lagu saleeyo 4.5 kan kalena lagu saleeyo deegaan.

Khilaafka madaxda dalka ee labada qodob ayaa salka la sii galayso awoodaha labada aqal iyo saameynta mid kasta ku leeyahay jaangooynta siyaasada Somalia.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka duulaaya muranka qodobada leysku hayo ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxda ka qeyb galeysa shirka Kismaayo inay tanaasul sameeyaan, si loo gaaro go’aano dhaxal gal ah oo looga bixi karo marxalada siyaasadeed ee hada lagu jiro.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somalia ay u baahan tahay in lamideeyo balse aysan u baahneyn in mas’uul waliba uu cuskado tiirka uu maslaxada u arko.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale sheegay in maamulada dalka looga baahan yahay inay eegaan dhanka shacabka Soomaaliyeed oo ay tanaasul ka sameeyan qodobada ay ku adkeysanayaan.

Xassan waxa uu hoosta ka xariiqay in talooyinka lagu go’aaminayo shirka la doonayo inay noqdaan wax wanaagsan, si sanadaha soo socda dalka u gaaro horumar, isagoo tilmaamay in mar walba loo baahan yahay tanaasul.

Xassan Sheekh ayaa caqabad u arka Maamulada dalka ee ku shirsan magaalada Kismaayo, bacdamaa ay is hortaagen qorshooyinkii uu ka damacsanaa shirkaasi.

Dhanka kale, waxa uu Madaxweynaha carabka ku dhuftay in shirka Kismaayo iminka ka socda laga filayo rajo wanaagsan, islamarkaana ay ka soo baxdo hanaan doorasho ee la doonayo inay dalka ka dhacdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com