Xog: Shirka Kismaayo oo u qasan 2 madaxweyne maamul goboleed xili kuwa kale ay soo dabceen

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa habeenimadii xalay aqalka martida maamulka Jubbaland ka dhacay kulan u dhexeeyay madaxda DF iyo kuwa maamulada dalka.

Kulanka ayaa ahaa mid daba socday kulankii shalay ka dhacay magaalada waxaana looga arinsanaayay nooca doorasho ee sanadkan Soomaalidu galayso.

Kulamadan wuxuu udhaxeeyaa Sadaxda masuul ee dowlada federaalka ugu sareysa iyo madaxda maamul goboleedyada.

Wararkii ugu dambeeyay ee aanu ka heleyno kulamada ayaa sheegaya in madaxdu ay ka doodeen in labada aqal midna lagu saleeyo nidaamka 4.5 kan kalana deegaan.

Sidoo kale, dooda badankeed waxay u dhaxaysay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan iyo madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo kala hogaaminaya labada aragti ee 4.5 iyo nidaamka deegaan.

Shirka weyn waxaa barbar socda shirar gaargaar ah oo la doonaayo in si hoose loogu xaliyo arrimaha taagan, inkastoo shirka badankiisa uu noqday mid ay isku fiirsanayaan ama ay ku kala aargoosanayaan Shariif Xassan iyo C/wali Gaas.

Ma jirto wax go’aan ama natiijo la taaban karo oo ay madaxdaasi wada gaaren waxa uuna mid waliba wataa go’aan isaga u gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com