Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa wada qorsho uu amaanka goobaha doorashada dalka ugu gacan galinaayo Ciidamada 2 dal oo kamid ah AMISOM.
Socdaalka Madaxweynaha ee magaalada Nairobi ayaa qeyb ka ah in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay kamid noqdaan ciidamada ilaalin doona amaanka Goobaha ay doorashada ka dhici doonaan.
Dowlada labaad ee ciidamadeedu ilaalin doonaan xarumaha ay doorashada ka dhici doonaan ayaa waxaa kamid ah Dowlada ethiopia oo iyana kamid ah dowladaha ka tirsan AMISOM.
Madaxweynaha Somalia, ayaa horay dowlada ethiopia ugu ballanqaaday in qeyb weyn uu kasiin doono dadaalada lagu xaqiijinaayo amaanka xarumaha lagu qaban doono doorashada.
Xassan Sheekh ayaa garab ka heysta Dowlada ethiopia oo u sameysay ballanqaadyo ku aadan dib usoo laabashadiisa.
Dowladaha ethiopia iyo Kenya ayaa aad kaga soo horjeeda horumarka iyo xasiloonida Somalia, waxa ayna Somalia oo amni ah uga dhigan tahay hoos u dhac ku yimaada dhaqaalahooda iyo dhinaca dalxiiska.
Geesta kale, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa sheegay iney diyaar u yihiin sugida ammaanka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya ee bisha August ee sanadkan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

