Xog: Xiisad ka taagan kursiga HOP141 ee DUCAALE iyo doorashadii oo dib loo dhigay

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle waxaa ka taagan xiisad xooggan oo ka dhalatay qabashada doorashada kursiga HOP141 ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo uu 12-kii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey wasiirkii hore ee amniga gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Kursigan oo ka mid ah laba kursi oo ku hartay HirShabelle ayaa waxaa hareeyey dood xoogan iyo murano sababay dib u dhaca doorashada kursigan, waxaana si weyn isugu haya xildhibaankii horey ugu fadhiyey ee Ducaale oo markale u sharraxan iyo 5 musharrax oo iyaguna ku dhowaaaqay inay yihiin isbedal doon, kuwaas oo kala ah:-

1- Dr. Guuleed Cabdi Sheekh Cali oo ah dhaqtar iyo ganacsade, 2-Dr Axmed Gacal Cali Carabow oo soo noqday wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, 3-Marwo Madiino Caamir Maxamed oo soo noqotay agaasimihii shirkadda diyaaradaha ee Soomaali Airline 4-Maxamed Cali Dhiilow oo ah agaasimaha qorsheynta wasaaradda amniga Soomaaliya 5-Sheekh Cumar Xuseen Indhoy oo soo noqday kaaliyihii duqa Muqdisho, sidoo kalena lasoo shaqeeyey World Bank.

Murashixiinta isbeddalka doonka ayaa diidan liiska guddiga xulista ergada ee kursiga HOP141 ee uu dhowaan shaaciyey guddiga SEIT ee HirShabelle, waxayna musharxiiintu cabashadooda toos ugu gudbiyeen madaxweyne Cali Guudlaawe, kadib kulan ay kula yeesheen madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle, taas oo keentay in la hakiyo doorashada inta xal laga gaarayo.

Xubnaha la gudbiyey oo ka kooban 5 xubnood ayaa waxaa kasoo muuqday rag aad ugu dhow wasiirkii hore ee amniga gudaha, ayna ku jiraan shaqaalihiisa, iyada oo laga tegay odayaashii rasmiga ahaa, sida ay ku doodayaan musharixiinta garabka isbeddal doonka.

Dhankiisa Ducaale, oo hadda ah madaxa ololaha Xasan Cali Kheyre, kuna sugan magaalada Jowhar ayaa billaabay kulamo siyaasadeed iyo dadaallo uu ku doonayo in lagu qabto doorashada kursigaas, si loogu xiro.

Magaalada Jowhar ayaa sidoo kale la ciir ciireysa siyaasiyiin, saraakiil ciidan, ergo iyo marti sharaf kale oo dooneysa inay goobjoog ka ahaadaan doorashada, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed iyo mid ciidan.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana isoo taraya baaqyada kala duwan ee la dirayo ee ku aadan in la dadajiyo doorashada, waxna laga qabto tabashada jirta, maadaama ay soo dhowaatay doorashada madaxweynaha.

Si kastaba, arrintan ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu dhammeystiro, isla-markaana uu go’aan kasoo saaro madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo kaashanaya SEIT, maadaama kursiga HOP141 iyo kursiga kale ee HOP135 ay xujo ku noqotay HirShabelle oo noqotay dowlad goboleedka kaliya ee ay haatan ku harsan yihiin kuraas ka mid ah baarlamaanka.