XOG: Xildhibaan Jaamac Maxamed oo rajo beel ku riday Xasan Sheekh Maxamud kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida qorshaha ahaa iyadoo la sugayo in maalinta Arbacada oo ku beegan 7-da Bisha October uu dhaco kulan u dhaxeeya Xasan Sheikh Maxamuud iyo xildhibaanada moshinka ka gudbiyay ayaa waxaa shaki buuxa la geliyay qabsoomida kulankaasi.

Qaar kamid ah xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta saxaafada la hadlay ayaa sheegay ineysan wax wadahadal ah la gali doonin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Xildhibaan Jaamac Maxamed Maxamuud, oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee mooshinka horay u gudbiyay ayaa sheegay iney marnaba dooneyn in wadahadal ay la galaan Xasan Sheikh.

“Ka dib markii aan kulan ka yeelanay wada hadaladii 7-da bishan la isugu imaan lahaa, anaga waxa uu mowqifkeena yahay inaan lala fariisan Madaxweynaha, sababtoo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka oo aan xushmad badan u hayno, daacad kama ahan wada hadaladan, oo wuxuu u janjeeraa dhinaca Madaxweynaha.” Ayuu yiri Xildhibaan Jaamac Maxamed Maxamuud.

Xildibaan Jaamac Maxamed, ayaa sheegay in waxba uusan iska badalin mowqifkii ay mooshinka kaga gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya, laakiin kaliya aysan dooneynin iney la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com