26.9 C
Mogadishu
Sunday, November 9, 2025

XOG: Xildhibaan kashifay cida fashilisay shirka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo bilihii ugu danbeeyay Dowlada Federaalka ah ee Somalia lagu eedeynaayay Fashil dhanka Siyaasada ah, ayaa waxaa arrintaasi iyo arrimo kale ka hadlay Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Fadhaye oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanka ayaa sheegay in waxbadan uu kala socday shirka kusoo dhamaaday Fashilka ee ka dhacay magaalada Kismaayo, waxa uuna Fashilkaasi dusha u saaray Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Asxaabtiisa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Dowladu ay lasoo baxday Siyaasad la’aan iyo in madaxda dalka ay iyaga isku mashquulaan, isaga oo sabab uga dhigay mas’uul darida Madaxda ugu sareysa dalka.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in Dalka uu dib ugu laabanaayo halkii dhowr sano ka hor uu taagnaa, waxa uuna taasi sabab uga dhigay Siyaasada Somalia oo u gacan gashay shaqsiyaad isku xiran iyo Madaxda dalka oo saaxiib u noqday musuq iyo ka shaqeyn la’aanta aayaha Somalia.

Wuxuu sheegay in horay u socod la’aanta Siyaasada dalka Somalia ay mas’uul ka yihiin Madaxda Dowladda Federalka Somalia, oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Xassan Sheekh oo aan la socon heerka xaalada Somalia ay iminka mareyso.

Maamulada dalka ayuu sheegay inay ka shaqeynayeen Somalia oo lagu xakumo nidaam caadil ah, Balse Dowlada Federaalka ay arrintaasi caqabad u aragtay sidaana ay ku fashilisay shirka.

“Wax waliba oo dhacaa waxaa mas’uul ka ah madaxda ugu sareysa dalka, waa nasiib darro in aayaha iyo qaranimada Somalia lagu tuuro god weyn oo wixii ku jira aan la ogeyn”

Wuxuu cadeeyay in nasiib darada ugu weyn ay tahay in Madaxdii ugu sareysay iyo kuwii Gobolada ugu sareeyay ay ku kala dhegnaadan qodobo aan micno ugu fadhin Somalia, waxa uuna dhaliishaasi dusha u saaray Madaxda Dowlada oo uu sheegay in laga rabay inay hagaan kuwa Gobolada.

Si kastaba ha ahaatee, Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ayaa walaac gaar ah ka muujiyay Fashilka shirka Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News