Xog: Xildhibaanadii doortay Farmaajo oo mucaarad isku beddelay

Muqdisho (Caasimada Online) – Is-beddellada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqda kuwa maalinba weji cusub yeelanaya, ayada oo xildhibaano taageersanaa madaxweyne Farmaajo ay hadda ka horyimaadeen, halka kuwii diidanaa ay dhinaciisa u jabeen, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xildhibaanadii codka siiyey madaxweynaha qaarkood ayaa la sheegay inay diidan yihiin magacaabista Xasan Cali Kheyre ee xilka ra’iisul wasaaraha, ayaga oo sababtuna ay tahay inuu ka tirsan kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ee Damu-Jadiid, si aad ahna ugu xiran yahay madaxweynihii hore.

“Anaga waxaan fileynay is-beddel dhab ah, ee Farmaajo uguma codeyn inuu Xasan Sheekh-ii aan meesha ka tuurnay gacan yarihiisa xil noogu dhiibo” Waxaa sidaas sheegay xildhibaan la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin, kaasi oo wada olole ka dhan ah Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanadii codka siiyey Farmaajo ayaa qeyb badan oo ka mid ah iminka diidan inay u codeeyaan Kheyre, ayaga oo sheegay inuu qeyb ka yahay kooxdii dalka fashilisay ee ay meesha ka tureen.

Si kastaba, arrinta yaabka leh ayaa iminka waxay tahay in Xasan Cali Kheyre uu haysto taageerada inta badan xildhibaanada Damu-Jadiid, kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya illaa 90, badankoodna yihiin kuwii u codeeyey Xasan Sheekh.

“Siyaasaddu waa wax yaab leh, yaa is lahaa Xasan Sheekh iyo Farmaajo ayaa isku dhinac noqonaya, kuwii Farmaajo doortayna gees ayey istaagi doonaan” Waxaa sidaas yiri Prof. Cabdiraxmaan Aadan oo ah aqoonyahan Muqdisho degan.

Xasan Cali Kheyre ayaa ahaa gacanta labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh marka laga soo tago Faarax Cabdulqaadir, waxaana la rumeysan yahay in magacaabistiisa uu ka dambeeyey Fahad Yaasin oo hadda ah ninka madaxweyne Farmaajo aadka ugu dhow, si hoosena ugu xiran Faarax Cabdulqaadir oo ay isku beel yihiin.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa u baahaan doona taageero ka badan 90-ka xildhibaan ee Damu-Jadiid, si loo ansixiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com