Beesha Mudullood oo garab istaagtay beesha Murusade (Maxaa shalay ka dhacay Xamar?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad ay ku shirayeen Odayaasha Dhaqanka ee qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho.

Sida ay sheegtay idaacadda Dalsan ee Muqdisho, kulankaasi waxay Duubabka Dhaqanka Beesha Mundulood iyo Ugaaska Beesha Murusade kaga wada arrinsadeen Taageeridda Ra’isul-wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federalka Xasan Cali Kheyre.

Ugaaska Beesha Murusade, Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi Fara-cadde oo ka hadlay Munaasabadaasi ayaa ka codsaday Odayaasha Beelaha Mundulood iyo Habar-gidir  inay taageero buuxda siiyaan Magacaabista Ra’isul-wasaare Kheyre iyo La-shaqeynta Xukuumadda uu soo dhisi doono.

Nabadoon Muxiyadiin Xasan Cali “Darba-weyne” oo ku hadlay magaca Dhaqanka Mundulood ayaa sheegay inuu Labada Beelood ka dhexeeyo Dhalasho, Dhaqan iyo Deegaan, isla markaana ay yihiin Walaalo aad isku qadariyo Dhaqan ahaan iyo Siyaasad ahaan.

Nabadoonka waxa uu carrabka ku dhuftay inay Odayaasha Dhaqanka Mundulood kalsooni Taageero buuxda leh siinayaan Ugaaska Beesha Murusade, soona dhaweynayaan Magacaabista Ra’isul-wasaare Kheyre.

Waxa uu intaasi ku daray inay Beel kasta markeeda wax hoggaaminayso  oo uu Xilku yahay meerto, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay soo dhaweynayaan in Xilka Ra’isul-wasaaraha loo dhiibo Siyaasi ka soo jeeda Beeshaasi.

Dhinaca kale, Ugaaska Beesha Murusade, Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi Fara-cadde ayaa isagana ka mahad celiyey Taageeradaasi, wuxuuna xusay inay Walaalahooda ka filayeen Taageeraddaas Kalsoonida xambaarsan.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Imaamka, Ugaaska, Suldaanka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Mundulood, Ugaaska Beesha Habar-gidir, Ugaas Cabdi Daahir iyo Duubabka Dhaqanka ee Beesha Murusade.

Kulanka ay Odayaasha Mundulood iyo Murusade yeesheen waxa uu yimid maalmo kadib, markii uu Ra’isul-wasaare Kheyre uu Shir Khaas ah la yeeshay Siyaasiyiinta Beesha Mundulood ee Barlamaanka iyo Xukuumadda Federalka.

Isbuucii la soo dhaafay, Madaxweyne Farmaajo waxa uu Villa Somalia ku casuumay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka Mundulood, oo ay kaga arrinsadeen Arrimaha Dhismaha Dowladda.

Madaxweynaha iyo Odayaasha waxay ku wada casheen isku fadhi, waxaana la sheegay inay isla casheeyeen oo ay wada buneysteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com