Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku qulqulaaya Xildhibaano ka tirsan BFS kuwaasi oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.
Xildhibaanadaani ayaa loo xulay xalinta Khilaafaadka dagaalka sababay ee ka dhexeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Xildhibaanada loo xil saaray xalintaasi ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Axmed Xaaji Max’ed iyo Ibraahim Saalax kuwaasi oo labada dhinac ka dhaadhicin doona qaabka ugu haboon ee lagu xalinkaro xiisada taagan.
Xildhibaanada ayaa waxaa loo kala qeybin doonaa Labada Gaalkacyo iyaga oo halkaasi kulamo kula qaadan doono Saraakiisha, Odayaasha labada dhinac.
DFS oo yareysaneysay dagaalka socda ayaa iminka ku baraarugtay dhibaatada laga dhexli karo, kadib markii ay cadaadis kala kulantay Odayaasha ku sugan magaalada Muqdisho.
Magaalada Gaalkacyo ayaa iminka waxaa gudaheeda ka soconaya dadaallo ay wadaan Odayaasha iyo waxgaradka Magaaladaasi oo xal looga gaarayo xiisadda taagan.
Dhanka kale, Odayaasha labada dhina ee kulamada uu uga socdo magaalada Gaalkacyo ayaa wali isku haya xalinta xiisada taagan, waxaana lasoo warinayaa inuu ka dhexeeyo ismari’waa.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]