Arag Sawirro: Cawaaqibka dagaalkii Gaalkacyo.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku barakacay Kontomeeyo shacab oo ku noolaa goobaha lagu dagaalamay.

Shacabkaani qaarkood ayaa waxa ay deegaanada lagu dagaalamay uga carareen cabsi ku aadan in mar kale uu dib u bilowdo dagaalka labada dhinac u dheexeeya kaasi oo ay suuragal tahay in wakhti waliba uu bilowdo.

Dadkaani barakacay ayaa waxa ay wateen cafash badan, waxa ayna doorbideen inay u barakacaan duleedka magaalada Gaalkacyo oo ay u arkeen iney nafdooda kaga badbaasan karaan dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaan waxba u arag dhibaatadaani heysata shacabka ee lagu dul dagaalamay, mana jirto cid ilaa iyo hadda la gaartay gurmad.
1

2

3

4

5

6