Faahfaahin kasoo baxaya qaabka loo weeraray sarkaal ka tirsanaa wasaaradda amniga DFS.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan Wasaarada Amniga ee dawladda Federaalka Somalia ayaa ku dhaawacmay weerar ay ku qaaden kooxo ku hubeysnaa Bastoolado.

Weerarka ayaa waxaa fuliyay 3 nin oo hubka fud fudud ku hubeysnaa waxa ayna dhaawac culus ugu gaysteen Siyaad Maxamuud C/raxmaan, oo ah Agaasimaha Waaxda Sharciyeenta Hubka ee Wasaaradda Amniga Somalia.

Dhaawaca Agaasimaha ayaa waxaa loola cararay isbsitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan weerarkii lagu qaaday masuulkaasi cidna loo qaban wali.

Sarkaalkani ayaa waxaa lagu weeraray agagaarka hoygiisa, oo ku yaala Degmada Waaberi xili uu watay gaarigiisa gaarka ah, islamarkaana aysan la socon wax ilaalo ah.

Ma jiraan wax war ah oo ay weerarkaasi ka soo saareen laamaha amaanka, waxaan sidoo kale jirin cid illaa iyo hadda sheegatay tallaabada lagu dhaawacay Sarkaalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com