Burcad Internet oo si xun yeeshay Kooxda ISIS.!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gabi ahaan hawada laga saaray Shabakada ay Maleeshiyada Daacish ku faafin jirtay Mabda’ooda ka dhanka ah Nabada iyo Xasiloonida ka taagan Dowladaha Yurub, America, Asia, Africa.

Dadaalka hawada looga saaray shabakada ayaa waxaa sheegtay Koox Burcadda Internetka oo lagu magacaabo Ghost Security.

Shabakada hawada laga saaray ayaa waxaa lagu magacaaba ”Isdarat”.

Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa magaalladda London ayaa sheegtay in gabi ahaan shabakadaasi laga saaray hawada.

Akhristayaashii ku xirnaa shabakadaasi ayaa durbadiiba cabashooyin kusoo bandhigay baraha Bulshada ay kuwada xiriirto waxa ayna dalbanayaan in dib hawada loogu soo celsho shabakada.

Shabakada ”Isdarat” ayaa waxaa lagu soo daabici jiray wararka la xiriira maleeshiyada, Sawirada gowraca iyo dilalka kale oo ay geystaan, waxa ayna hadda Daacish u muuqaneysaa in si KMG ah ay usii hakin doonto faafinta wararka been abuurka ah oo ay ka faafiyaan caalamka.

Si dhab ah looma oga maslaxada ku jirta in Kooxda Burcadda Internet-ka ee lagu magacaabo Ghost Security ku dhaqaaqdo falkaani.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com