Feysal Cali Waraabe oo taageeray shirkii Xamar!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo wareysi dhinacyo badan taabana siiyay Idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa ka hadlay shirkii dhawaan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen dadka kasoo jeeda gobalada Waqooyi (Somaliland), kaasi oo ku aadan nuuca doorashada 2016-ka.

Waxa uu sheegay in dadkaasi ay xaq u leeyihiin inay aragtidooda dhiibtaan, islamarkaana go’aankooda ah in wax loo kala qeybsado Koonfur iyo waqooyi ay ku saxan yihiin waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dadka jooga Xamar asal ahaan wey kasoo jeedaan Somaliland, xaq bay u leeyihiin inay tagaan, xaq bay u leeyihiin inay dhahaan hadii wax la qeybinayo halagu qeybiyo Koonfur iyo Waqooyi, waan ku boorineynaa hadii ay iska diideen qabiilkii iyo maamulkii, laakiin Somalilnd iyo Somaaliya wada hadalkooda waa caalami, waxaana gacanta ku haya caalamka, laakiinse nimankaan Xamar ku shiray waa muwaadiniin reer Somaliland ah, xaqna wey u leeyihiin inay aragtidooda dhiibtaan waana bogaadineynaa” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

“Ra’yi waa la dhiibtaa ceebna ma ahan, micnaheedu ma ahan dalalkii baa la’isku daray, idinka baa ka dhigay wax weyn, laakiin waa dad Soomaali ah oo muujinaya ra’yigooda” ayuu hadalkiisa ku daray Mr Waraabe.

Dhinaca kale Faysal Cali Waraaba ayaa meesha ka saaray in xubnihii Muqdisho ku shiray ay matalayeen Somaliland, isaga oo sheegay in cid walba oo iyaga matalaysa la doorto, ama la xulo.

Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay 22-kii bishaan Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda gobalada Waqooyi ee dalka, kuwaasi oo aragti ka dhiibta Nuuca doorashada dalka ka dhici doonta, iyaga oo ku baaqay in loo qeybsado Waqooyi iyo Koonfur.

Halkan ka dhageyso Feysal Cali Waraabe

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/11/feysal-waraabe.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com