Muxuu C/Qeybdiid ka yiri dagaalka Gaalkacyo?!!

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa ka hadlay dagaalkii Axadii aan soo dhaafnay Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Qaybdiid wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalkaasi ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee shacabka saameynta ku yeeshay, waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loo xaliyo dagaalka.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug, wuxuu ku baaqay inaysan soo noqon mar kale dagaalada ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, maadaama bulshada ay saameyn ku yeelanayso dagaalka, isaga oo intaasi warkiisa raaciyay shacabka Gaalkacyo inay yihiin dad nabdoon oo nabada jecel.

“Waxaan ku baaqayaa dagaalka inuusan dib u soo noqon oo laga heshiiyo waxyaabaha dagaalka keenay, iyadoo loo turaayo dadka shacabka ah ee Magaalada degan ee xabada ay dhibayso.” Ayuu yiri C/qaybdiid oo la hadlay Idaacada Shabeelle.

Xilligii Madaxweynaha uu ka ahaa Maamulka Galmudug ayuu sheegay inuu wanaagsanaa xiriirka kala dhaxeeya Maamulka Puntland, inkastoo uu tilmaamay in Puntland ay gacanta ku hayso deegaano ka tirsan Gobolka Mudug oo Galmudug hoostagga.

Dagaalkii Gaalkacyo ku dhexmaray Axadii la soo dhaafay ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa yimid, kadib markii Puntland ay damacday in wado laami ah ay ka dhisto Koontarool ku yaallo Xaafada Garsoor, kadibna ciidanka Galmudug ay is hor istaag ku sameeyeen arintaasi.

Odayaasha Dhaqanka iyo Ganacsatada Magaalada Gaalkacyo ayaa ku guda jira waann-waan ku aadan xalinta xiisadaha ka dhex-taagan labadaasi maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com