Sawir: Qorshaha Xasan Sh. iyo Faarax C/qaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani ayaa ka turjumaaya Qorshaha Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu ku doonaayo in Faarax C/qaadir uu ku maareeyo inta uga harsan Wakhtigiisa.

Madaxweyne Xassan ayaa dhaqaale adag ku bixinaaya sida Faarax lagu gaarsiin lahaa heer Madaxweyne Gobol isaga oo adeegsanaaya Odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Madaxweyne Xassan oo ka fikiraaya qorshahaasi ayaa waxa uu hadda Magaalada Muqdisho kawadaa kulamo kala duwan oo uu la qaadanaayo Odayaasha iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Qorshaha Madaxweyne Xassan ayaa ah in Gobolada dalka uu u wada dhiibo Siyaasiyiin ku mabda ah kana tirsan Damul-jadiid.
f_hiran