Xog: Axmed Madoobe oo Barre Hiiraale dartiis u hakiyay shir maanta KISMAAYO ka dhici lahaa.

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya in mar Sedexaad uu fashil ku imaaday Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo.

Shirkaani oo maanta baaqday markii Seddexaad ayaa waxaa lasoo warinayaa in sababta ugu weyn ay tahay kadib markii Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ay Axmed Madoobe ku xujeeyen haddii la doonaayo mirro dhalka shirkaasi laga qeybgaliyo Hogaamiye kooxeed hore Col. Barre Hiiraale.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo tixraacaya go’aanka kasoo baxay Xassan Sheekh iyo Cumar C/rashiid ayaa hakiyay shirka waxa uuna gudiyo Odayaal iyo Siyaasiyiin ka kooban u xil saaray Barre Hiiraale si ay uga soo qeybgaliyaan shirka mar kale ka dhici doona Kismaayo.

Max’ud Sayid Aadan oo ka mid ah siyaasiyiinta lagu wado in ay ka qeyb galaan shirkaasi dib u heshisiinta ayaa sheegay inuu jiro qaladaad yar oo sabab u ah Fashilka shirka, waxa uuna sheegay inay suuragal tahay in la ballaariyo kasoo qeybgalayaasha shirka.

Waxa uu sheegay in Ujeedka shirka uu yahay in leysku keeno Beelaha halkaasi wada dega islamarkaana ay is cafiyaan.

Geesta kale, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa ayaan raali ka aheyn inay meel la fadhiistaan Col. Barre Hiiraale markii laga soo tago cadaadiska ka heysta dhanka DFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com