DFS oo madaxa isla gashay iyo wasiiro la haysto

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan heleyno Saraakiil ka howlgasho Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaruhu uu ku dhagan yahay Wasiiro iyo Taliyayaal ciidan kuwaasi oo loo aaneynaayo inay sabab u yihiin fashilka DFS ka heysta dhanka amaanka.

Saraakiisha ka howlgasha Xafiiska RW CC ayaa inoo xaqiijisay in Ra’isul wasaare Cumar uu kulan degdeg ah la qaatay Wasiirada khuseeya amaanka dalka sida Wasiirka amniga qaranka, Gaashandhiga iyo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka dalka.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa labadaani Wasiir iyo Taliyayaasha ku wehliya xaqiijinta amaanka Su’aalo ka weydiiyay dilalka iyo Qaraxyada mudooyinkaani danbe kusoo badanaayay magaalada Muqdisho, waxa uuna ka dalbaday inay Jawaab degdeg ah kasoo bixiyaan.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa Wasiirada iyo Taliyayaasha hordhigay laba arrin oo loo baahan yahay inay cadeymo u keenaan waxa ayna arrinta Koowaad tahay inay musuqeen Mushaaraadkooda iyo inay iyaga ka gaabiyeen la socodka amaanka dalka, si loo helo xasilooni ku baahda dalka.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa sidoo kale Mas’uuliyiintaasi kuwar galiyay inay weyn doonaan xilalkooda, waa haddii ay howshu ahaato mid kusii socta sida ay iminka tahay.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili magaalada Muqdisho ay la daala dhaceyso amni xumi, waxaana xusid mudan in Taliyayaasha Hay’adaha amaanka qaarkood lagu tuhmaayo inaysan bixin xuquuqda Ciidamada, taasi oo ugu wacan amni darida dalka ka taagan.

Ma cadda in isla xisaabtanka ay wadaan madaxda sare ee dalka uu noqon doono mid sii socda amaba halkiisa ku ekaan doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com