XOG: Xildhibaano isku urursanaya Muqdisho iyo XASAN SHEEKH oo uu qorshihiisa halis ku jiro !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Madaxweyne Xassan uu iclaamiyay in dalka uusan ka dhici karin doorasho nin iyo codkiisa ah ayaa waxa uu arrinkaasi sara qaaday dareenka Xubno ka tirsan BF Somalia oo iyagu aan ku qancin go’aanka uu Madaxweyne Xassan ku maamulanaayo nidaamka dalka.

Xildhibaanada oo qeybqeyb isugu xiran ayaa iminka Magaalada Muqdisho ka bilaabay kulamo lidi ku ah Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha BF Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo iyagu isla daadihinaayo qorshaha Dowlada loogu kordhinaayo wakhtiga islamarkaana lagu laalayo hamiga doorasho uu nooceedu yahay nin iyo codkiis.

Xildhibaanada is baheysaneysa ayaa kasoo horjeeda in Madaxweyne Xassan uu muddo wakhtigiisa kasii badan ku raago kursiga, waxa ayna wadaan qorshooyin looga hor imaanayo go’aanada ay isla wadaan Xassan iyo Jawaari.

Inta badan Xildhibaanada ayaa ku doodaya in haddii Xassan Sheekh loo kordhiyo wakhtiga uu dalka Somalia noqonaayo mid ka tirtirma Qaarada madow ee Africa kadib markii ay u sababeeyen inuu caqabad ku yahay kobcinta dhamaan ilaha dhaqaale iyo Cadaaladii looga fadhiyay inay dhaliso Xukuumadiisa.

Hoteelada Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa buux dhaafiyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo iyagu ka arrinsanaaya sida ay ka yeeli lahaayen Madaxweyne Xassan oo isagu xiligaani si xalaal ah ku dhameystay wakhtigii loogu tallo galay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa garab boodaya Madaxweyne Xassan, waxa uuna xiligaani tashkiilinayaa Xildhibaanada si meesha looga saaro shaqsiyaadka awooda ku dhex leh BF ee ka hor imaankara wakhti kororsiga Madaxweyne Xassan.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa talada u dhiibtay Jawaari, inkastoo xaaladu ay tahay mid isku cakiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com