XOG: Xildhibaano wada olole ka dhan ah XASAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan BF Somalia, ayaa waxa ay kulamo ka wadaan qaar ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

Kulamo ay isugu imaaden inkabadan 25 Xildhibaan, ayaa waxaa looga hadlaayay baal marka Madaxweyne Xasan uu ku sameynaayo Dastuurka dalka iyo qaabka uu u adeegsanaayo dhismaha Maamul goboleedyada dalka ka jiro.

Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay inuu yahay mid ay Xildhibaanadu ku muujinayeen cududooda iyo sida ay kaga soo horjeedan dhismaha Maamul Goboleedyada lagu kala qeybinaayo Beelaha soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdullahi Max’med oo kamid ahaa ayaa sheegay in ka Xildhibaan ahaan aysan u dulqaadan karin in Madaxweyne Xassan uu siyaabo qaldan u adeegsado Dastuurka dalka, waxa uuna tilmaamay in ka baarlamaan ahaa ay kala bar kasoo horjeedan qaab dhismeedka Maamul Goboleedyada.

Waxa uu sheegay inay kasoo horjeedan inta badan Maamul Goboleedyada dalka, maadaama uu yiri loo adeegsaday qaab qaldan oo aan waafaqsaneyn Dastuurka kala xukmiya Umadda Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in kulanka uusan kan ku ekaan doonin islamarkaana uu ujeedkoodu yahay inay sii wadaan inta Madaxweynuhu uu ka aaminaayo nidaamka Dastuurka.

Sidoo kale, waxa uu carabka ku dhuftay in ka shaqsi ahaan iyo dhowr kamid ahaa saaxiibadiisu aysan kasoo jeedin Gobolada maamulka loo dhisay balse ay u danqanayaan kaliya sharciga dalka, maadaama uu yiri lagu aaminay dalka.

Waxa uu Xildhibaanada kale ugu baaqay inay u hogaansamaan waxa uu faraayo sharciga, si uu yiri meesha looga saaro ku tagrifalka Dastuurka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com