Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xiganaayo xubno ku sugan Villa Somalia, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa C/llahi Sambaloolshe oo ahaa taliyihii hore ee Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia uu ku xujeeyay in beeshiisa uu ka helo taageero.
Arrintaani ayaa la tilmaamayaa inay ka dambeysay kadib markii Odayaasha Beeshiisa ay Cabashooyin u gudbiyeen Madaxweynaha, ayna ka codsadeen in ayaga ay soo xushaan xubnaha uga mid noqonaya golaha wasiirada cusub.
Odayaasha beesha Xaawaadle, ayaa madaxweynaha u sheegay in hadii ay dhacdo in Sambaloolshe lagu soo daro Xukuumada Cusub ay u garan doonaan Digtaatooriyad uu adeegsanaayo Madaxweynaha.
Sidoo kale, waxaa la soo warinayaa in Odayaal Beeshaasi ka tirsan ay Asbuucii tagay gaaren Xafiiska Madaxweynaha islamarkaana ay Xassan Sheekh ku wargaliyeen in Sambaloolshe uusan ka socon dhanka Beesha maadama aan lagala tashan, ayna doonayaan in xubno kale ay keensadaan.
Arrintan ayaa imaneysa ayada oo wararka ay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu markii hore qorshihiisa ahaa in Sambaloolshe uu u magacaabo wasiirka amniga qaranka.
Xubno badan oo ka tirsan kooxda Damu-Jadiid ayaa beelahooda ay diidan yihiin in xilal loo magacaabo, waxaana sidoo kale ka mid ah Cabdikarin Guuleed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]