Muqdisho (Caasimada Online) – Dhibaato dhinaca qoyska ah oo haysata taliyihii hore ee nabad-sugidda qaranka iyo safiirkii Soomaaliya ee Turkiga Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa halis gelisay ololaha musharax ee Cumar Cabdirashiid Calli Sharmaarke, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Sanbaloolshe oo madax ka ah ololaha Sharmaarke, ayaa waxaa khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay isaga iyo xaaskiisa, kadib markii ay soo baxeen warar la xiriirinaya inuu xiriir hoose la leeyahay gabar kale.
Xaaska Sanbaloolshe oo degan Nairobi ayaa ilo xog ogaal ah waxay Caasimada Online u sheegeen inay deg deg u timid Muqdisho, ugana tagtay sagaal caruur ah oo ay u hayso taasi oo mashquul xad dhaaf ah gelisay.
Sanbaloolshe ayaa la sheegay inuu aad uga mahsquulay ololaha qorista xildhibaanadii u codeyn lahaa Sharmaarke, waxaana la sheegay in Sharmaarke uu iminka ka fiirsanayo inuu beddelo.
Sida wararku ay sheegayaan xaaska Sanbaloolshe ayaa maqashay warar ku saabsan inuu qabo ama xiriir la leeyahay gabar lagu magacaabo Muna Kay oo ka mid ah 11-ka xildhibaan ee guddiga xalinta khilaafaadka ay diideen doorashadooda.
Sanbaloolshe ayaa lagu warramay inuu lacag badan ku bixiyey inay gabadhan xildhibaan noqoto.
Weli ma cadda inuu qabo ama xiriir kaliya uu kala dhaxeeyo, balse xaaskiisa ayaa la sheegay inay si aad ah uga carrootay arrintan, ayna ilmihii uga tagtay ninkeeda, oo ay hadda kaligeed dib ugu laabaneyso Nairobi.
Sanbaloolshe ayaa aad isugu dhow yihiin Cumar Cabdirashiid iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana uu Sharmaarke la wadaa iminka olole xooggan oo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

