Xog: Xiriirka ka dhaxeeya safarada Jawaari iyo Xasan ee Baydhaba iyo Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa bilaabay qorshe safar uu ugu tagayo dhamaan caasimadaha maamul goboleedyada dalka, socdaalkaasi oo qeyb ka ah heshiisyo iyo balanqaadyo uu doonayo inuu la galo maamulada.

Waxaa jira xiriir aan badneyn oo ka dhaxeeya safarka guddoomiyihii baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari uu ku tagay magaalada Baydhabo iyo safarkii Xasan Sheikh ee Kismaayo.

Waxaa warar aan heleyno ay sheegayaan in Xasan Sheikh uu doonayo magaalada Labaad ee uu booqanayo inuu ka dhigo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, sidaasi daraadeedna u Jawaari halkaasi u tagay inuu la diyaariyo dadka uu la kulmayo.

Jawaari, ayaa kaalin la filayaa inuu ka qaato soo dhaweynta Xasan Sheikh ee magaalada Baydhabo iyo diyaariyiinta xubnaha kala duwan ee uu kula kulmayo magaalada Baydhabo, haddii qorshaha uusan wax iska badalin.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa raadinaya taageerada xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay ee uu doonayo in doorashada soo socdo kula dagaalamo madaxweyne Farmaayo oo doorashadii 2016 kaga guuleystay.

Jawaari ayaa dhankiisa raadinayo fursado kale oo uu kaga sii muuqan karo siyaasadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com