CC SHAKUUR: Afka ayaan gacanta saaray, madaxana qabsaday aniga oo bisinka boobaya markii aan arkay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu uga hadlayo musuq maasuqa uu baarlamanka Soomaaliya ku eedeeyey xukuumadda Kheyre, isaga oo sheegay in markii uu warbixinta arkay uu hal mar afka gacanta saaray, madaxana qabsaday.

Hoos ka aqri qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran.

Inta badan dhaliishayda waxqabad ka dawlada uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo waxay ku aadanayd hawlaha siyaasada iyo amniga. Waxaan is lahaa oo ay warbaahinta naga raariday in ay ku roonyihiin hawlaha maamulka iyo maaliyada, laakiin markii aan aqriyey warbixinta Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda waxaan hal mar afka gacanta saaray, madaxana qabsaday anigoo bisinka boobaya.

Guddiga oo baaritaan ku sameeyey dakhligii dawladda u soo xarooday bishii Jannaayo ilaa Bishii Agooato ee 2018 ayaa sheegay in $20m (labaatan milyan oo doolar) oo ka mid ah lacagtii Sacuudiga ugu deeqay Soomaaliya sanadkii 2017 aysan ka muuqan miisaaniyada dawladda ee 2017/18. Guddigu wuxuu kaloo sheegay in sharciga hareer marsan loo isticmaalay $3m (sedex milyan oo doolar) oo ahayd xuquuq gaar ah oo ay mushaar ahaaan u lahaayeen ciidan, shaqaale iyo xildhibaannadii Baarlamaankii 9-aad.

Wuxuu kaloo guddigu caddeeyey in $1.5m (hal milyan iyo bar doolar ah) oo ka mid lacagihii loo qoondeeyey isticmaalka xaaladaha deg degga ah sida fatahaadaha, abaaraha, cudurrada dillaaca iyo kharashaad leh muhiimad qaran loo isticmaalay safaro dibedda ah, sahay safar, xaflado, dayn bixin shakhsi ah, dayactir, kiro guri, martigelin iyo kharashaad Hotel.

Dhinaca kale maamul xumo maaliyadeed oo baahsan ayuu Guddigu ku eedeeyey maamulka Gobalka Banaadir oo ay soo gashay lacag gaaraysa $ 16.5m ( lix iyo toban milyan oo doolar). Khasnajiga dowladda hoose ayuu Guddigu sheegay in uu si shakhsi ah bangiga dhexe kaga soo bixiyey lacag dhan $5,972,0852.82, iyadoo aysan caddayn sida loo isticmaalay.

Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay ayuu guddigu sheegay in aan canshuur laga qaadin, laakiin taa beddelkeeda laga qaaday lacago lagu shubay akoonka khaaska ah ee Wasaaradda Maaliyadda.

Haddaba waxaa ayaan darro ah, in la baacsado dhallinyaro shaqaale hoose ah, iyada uu musuqmaasuqii degan yahay qalbiga hay’adaha xukuumada, madaxdii sare ee dalkana hormuud ka yihiin.

Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa Baarlamaanka in aysan ansixinta miisaaniyadda inta laga helayo Xisaab Xir sax ah. Hanti dhorka Guud iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka haddii ay yihiin hay’ado madax bannaan, damiir leh, dalkana daacad u ah waa in ay tillaab cad ka qaadaan musuqa intaa la eg.