Laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda HORMUUD oo lagu toogtay Bakaaraha

Muqdisho (Caasimadda Online) – Koox hubeysan ayaa maanta labo qof  oo shacab ah ku dilay isgooska Bakaaraha ee  Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in koox hubeysan ay halkaasi dil ugu geysteen shaqaalle ka tirsan shirkada isgaarsiinta Hormuud ee Soomaaliya ka howlagasha.

Dadka la dilay ayey Goobjoogayaasha sheegeen in ay ka tirsanaayeen mid ka mid ah Sharikadaha Isgaarsiinta ee ka howlgala Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ayaa gaaray halkii uu dilka ka dhacay,waxaana ay halkaas ka sameeyeen howgal kooban oo aan wali la sheegin cid loo soo qabtay.

Dhaq dhaqaaqa dadka ayaa hakad galay muddo kooban inkasta oo markii dambe uu dib u furmay sida ay sheegeen dad ku sugan suuqa Bakaaraha.

Maalmihii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo badanaayay dilka loo geysto shaqaalaha shirkadaha ganacsiga ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli gacanta kusoo dhigin dadka dilka geysanayo, sidoo kalana lama yaqaan illaa hadda sababta loo ugaarsanayo Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com