Ardaydii Muqdisho looga qaaday waxbarashada oo wax aysan fileynin kula kulmay Itoobiya (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah arday dhawaan waxbarasho ahaan loogu qaaday dalka Ethiopia ayaa ku sugan xaalad ka duwan tii ay ku taamayeen markii laga qaaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ardaydan ayaa qeylo dhaan ka muujiyay habkii loola dhaqmay markii laga dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa.

Ardaydaan oo qaarkood Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in looga kala dhuuntay garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa, halkaasi oo loo geeyay deeq waxbarasho inay ka faa’ideystaan.

Mid kamid ah ardayda ayaa sheegay in markii looga kala dhuuntay garoonka diyaaradaha ay garan waayaan goob ay u dhaqaaqaan, iyadoo ciidamada amaanka ee garoonka jooga ay si xun ula dhaqmeen.

Ardaydaan ayaa dhawaan ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana sagootiyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ardayda deeqaha waxbarasho ka helo dalalka Yemen, Ethiopia, Sudan, Masar iyo dalalka kale ee Africa ayaa siyaabooyin kala duwan loola dhaqmaa, waxaana la ogeyn sida xaalkooda uu ku dambeyn doono ardaydaan.

Ma jiro wax jawaab ah oo madaxda wasaaradda waxbarashada ay ka bixiyeen cabashada kasoo yeertay ardaydii ugu dambeysay ee loo qaaday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com