War culus oo kasoo baxay Tigrayga Itoobiya iyo xiisad culus oo ka taagan dalkaas

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Xisbiga awoodda badan ee Tigrayga dalka Ethiopia ayaa ku eedeeyey dowladda dalkaas inay xireyso oo ay beegsaneyo xubno kasoo jeeda qowmiyaddaas, taasi oo ay sheegeen inay qeyb ka tahay dagaal siyaasadeed oo lagu hayo.

Hadalka aan caadiga ahayn ee kasoo baxay Tigrayga, ayaa shaaca ka qaadaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka xooggan ee ka dhex-oogan maamulka sare ee Ethiopia.

Eedeyntan ayaa qeyb ka ah xiisad sii kordheysa oo u dhaxeysa xisbiga Tigrayga ee TPLF – oo muddo hayey awoodda dalka Ethiopia – iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada.

Ugu yaraan 79 isugu jira saraakiil amni, ganacsato iyo haween badankood kasoo jeeda Tigrayga ayaa la xiray tan iyo toddobaadkii tagey, taasi oo qeyb ka ahayd wax ay dowladda ugu yeertay olole ka dhan ah musuq-maasuqa iyo si xun ula dhaqanka maxaabiista.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo ururo kale ayaa soo dhoweeyey xariga. Hase yeeshee guddoomiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa yiri isniintii “Musuq-maasuq iyo xuquuqda aadanaha, ayaa qiil looga dhigay in la beegsado dadka Tigrayga”.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia, weli kama jawaabin eedeynta culus ee kasoo baxday Tigrayga.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com