Sawirro cajiib ah: Xasan oo ku dalxiisaya Jubaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday deegaanada Gosha ee gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ah goobo Dalxiis iyo dhul wax soo saarka ku wanaagsan.

Xasan Sheekh ayaa waxaa wehlinayey madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo xubno ka mid ah waftiga la socda ee Muqdisho kala tegay.

Madaxda ayaa wakhti kusoo qaatay deegaanka dalxiiska ku wacan ee Goobweyn waxayna halkaasi soo joogeen saacado badan.

Xasan Sheekh ayaa socdaal afar maalmood ah ku jooga Jubaland, oo ah maamul goboleedkii ugu horreeyey ee dhisma inta uu dalka madaxweyne ka ahaa.