Is-dhiibitaanka ciidamada ONLF oo hal arrin na baray

Waxaa maanta magaalada Jigjiga laga soo dajiyey dagaalyahanada ONLF ee mudada dheer dagaalka kula jiray Itoobiya.

Arrintan ayaa ka dambeeysay kaddib markii uu heshiis horudhac ah dhexmaray Jabhadda ONLF iyo dowladda Federal-ka ah ee dalka Itoobiya.

Hadaba, tallaabadaas maxay naga bareysaa hanka iyo hab dhaqanka Soomaalida?

Caadiyan ma ahayn sawir qurux badan in aad aragto boqolaal dagaalyahanano Soomaaliyeed ah oo naf iyo maalba u huray iska rididda heeryada guumeysiga in ay sidii dalxiise yaal lagu soo daad gureeyo diyaaraddii cadawgii ay la dagaalamayeen.

Haa, dabcan, waxaa jira heshiis horudac ah, laakiin maxaa keenay in iyada oo aan si dhab ah loo heshiin la’isa soo dhiibo!?

Dhaqankii maanta ee diyaaradda Itoobiya ay dagaalyahanadda ONLF ku keentay Jigjiga waxa ay muujineysaa han yari iyo deg deg shallay ka dambeeyo oo ay Soomaalida caan ku tahay.

Tusaale, Oromada jahadaheeda waxa ay Itoobiya ku soo galeen iyaga oo hubeysan dhulka taas oo muujisay sida ay uga han weyn yihiin Soomaalida diyaaradda lagu soo qaaday, diyaarna u ahayn inay deg deg isku dhiibaan.

Waxaa su’aal ka taagneyn in jabhad dhulka soo martay iyo mid diyaarad sidii dalxiise yaal lagu keenay kala han sarreeyo.

Sioo kale waxaa muuqda sal fudeyd iyo dhiiraandhirin yari ay qabaan hoggaanka ONLF, maadama iyaga oo aa wali helin xaqii u dagaalameen in ay hubkooda madaxa soo saartaan.

Yeelkeede, waxaa ugu weyn ee ay bulshada Soomaaliyeed iyo inta taageerada u haysa ONLF ay dhawraan kana walaacsan yihiin ayaa in halka uu ku dambeeyo maaweelada Itoobiyada cusub iyo waxa ka dhaqan gala heshiisyada horudhaca ah ee lag gaaray iyo waliba sida loo maareeyo wada-hadallada soo socda ee taaban doona masiirka umadda Soomaaliyeed ee galbeedka dagan.

Dagaalyahanada Soomaalida ee Itoobiya kusoo laabtay, dhamaan hubka ayaa laga dhigayaa, waxaana qurshuhu yahay inay tartiib ciidamada Itoobiya loogu daro. Su’aasha ayaa ah, in marka ciidamadan la kala furfuro oo qeybba lagu daro koox, haddii dowladda Itoobiya ballanta ka baxdo maxaa xal u ah ONLF?

W/Q: Guuleed Axmed Baashe
Hargeysa, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid