Xasan Sheekh oo shaaca ka qaaday arrin ay DF ka been sheegtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay kororka dhaqaalaha dalka oo dowladda Soomaaliya ay marar badan ku celcelisay inay guulo ka gaartay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in DF ay xaqiiqda ka been sheegeyso, oo arintaasi aysan aheyn wax cusub oo hadda bilowday, balse ay soo bilowdeen sanadkii 2013 ayna wanaagsan tahay in dowladda aysan iska sheegan guulaha dhanka dhaqaalaha la xiriira.

Wuxuu sheegay in tan iyo sanadkii 2013, sanadba sanadkii ka dambeeya uu kordhayay dhaqaalaha dalka Soomaaliya, balse hal mar oo kaliya dhaqaalaha inuusan iska kordhin.

“Miisaaniyadda 2013 waxii ka dambeeyay koror ayay ku socotay, kororsiimadii ugu badnaa markaan anaga talada haynay ayuu dhacay, marka waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed walaahowga iyo Jahwareerinta inta ka koraan inay fiiriyaan buugaagta”ayuu yiri  Xasan Sheikh.

Wuxuu sidoo kale sheegay in kororta dhaqaalaha Soomaaliya marka la eego 2013 inuu kasii badnaa sanadkii 2017 xiligaasi oo uu isaga xilka baneeyay.

“Maaliyadda waa meesha kaliya ee aan dacaayadda iyo borobogaandada gali karin, ileen waa wax qoran, Dowladdii aan hogaamin jiray bil kastaa waxaan website-ka Wasaaradda kusoo qori jirnay Dakhliga dalka soo galay iyo meesha uu naga soo galay” ayuu hadalkiisa kusii daray Xasan Sheikh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com