Qariihii Goobwayn shaqayn waaye, Bal qunbahana aynu sugno

Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada waxay isugu tageen kismaayo Wuxuu qorshadoodu ahaa #isbahaysi xoog leh in ay sameeyeen si dowlada meesha Looga saaro , waxaaa lagu xasuusta booqashadii ay Goobwayn isugu tageen , ayagoo markaa #Qare cunaya

Mudo yar kadib arintii waxay Fashilmatay waxaa markiiba kabaxay garabkoda #Waare oo sheegay inuu dowlada la heshiiiyay

Waxa xilka iska casilay shariif Hassan sheikh aadan , waxaana sidoo kale xilka ka dagay afkayeenkii madasha maamul goboleedyada

Waxaana hada so baxaya warar sheegaya in ay burbureen madashii maamul goboleedyada inkastoo anan wali lagu dhawaaqin

Balse waxaa aad cajiib iila-noqotay markaan arkay Ex madaxwayne Hassan sheikh oo dib u qaaday wadadii ay maamul goboleedyadu ku fashilmeen

Wuxuu Hassan sheikh wadaa inuu sameeyo isbahaysi hor leh , wuxuuna kusoo aasaasayaa kismaayo oo ah meshii maamul goboleedyada lagusoo aasaasay , Wuxuuna maanta booqday Goobwayn , asagoo markaa iskuso sawira #Qumbe

Waxaan so xasuustay Oraahdii Hassan sheikh ee ahayd “ Qabyo ninkeedaa dhamaystira “ waxana u fahmay in Hassan sheikh uu doonayo inuu dhamaystiro qabyadii maamul goboleedyada

Marka waxaan leeyahay Qariihii Goobwayn shaqayn waaye , Bal qunbaha aynu sugno !!

W/q: Hussein Jamac

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid