26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Xog: Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo weji cusub galay

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) — Xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, oo sannadkii la soo dhaafay ahaa mid cakiran oo mugdi hareeyay, ayaa hadda u muuqda mid ka soo kabanaya xaaladdii adkayd, kaddib safarkii Jimcaha ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay magaalada Addis Ababa, kaasi oo lagu tilmaamay mid bog cusub u furaya xiriirka labada dal ee dariska ah ee Geeska Afrika. 

Muddooyinkii ugu dambeeyay, xukuumadda Muqdisho waxay si adag uga hortimid damaca gurracan ee Itoobiya, kaas oo loo arkayay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Xudunta khilaafka ayaa salka ku haysay heshiis is-afgarad (MoU) oo Itoobiya la gashay maamulka Somaliland—deegaan raadinaya inuu ka go’o Soomaaliya inteeda kale, balse dunidu ay weli u aqoonsan tahay qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda. Tallaabadaas ayaa caro weyn ka dhalisay Muqdisho, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu horay safaro ugu bixiyay si uu u muujiyo sida ay dowladdiisu uga soo horjeeddo tallaabadaas.

Hase yeeshee, safarkan ugu dambeeyay oo qaatay hal maalin, ayuu Madaxweynaha Soomaaliya kulan albaabadu u xiran yihiin kula qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Inkastoo faahfaahinta rasmiga ah ee kulankaas ay kooban tahay, haddana ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in wadahadalladu ku dhaceen jawi “walaaltinimo,” iyadoo diiradda la saarayay is-ixtiraamka, amniga gobolka, iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee nolosha.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegaya in labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen in la joogteeyo marinnada xiriirka tooska ah, maadaama labada dal ay wadaagaan dano guud, isla markaana ay wajahayaan khataro amni oo ay ugu horreyso kooxaha xagjirka ah iyo colaadaha gobolka Geeska Afrika ee u baahan in laga hortago. Xiriirka shaqsiga ah iyo midka diblomaasiyadeed ee labada hoggaamiye ayaa hadda lagu tilmaamay mid “dib u soo kabtay.”

Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ayaa weli qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaas oo hadda loo baddalay Hawlgalka Taageerada iyo Xasilloonida ee Midowga Afrika (AUSSOM). Inkastoo Soomaaliya ay xilligii xiisaddu taagnayd ku hanjabtay inay ciidamadaas saarayso, haddana weli waxay qayb ka yihiin dadaallada nabad-ilaalinta.

Arrintan ayaa imaanaysa kaddib murankii ka dhashay heshiiskii badda—kaas oo Itoobiya siin lahaa 20km oo xeeb ah beddelkeedana ay aqoonsi siin lahayd Somaliland—balse hadda heshiiskaasi wuxuu u muuqdaa mid “hakad galay” ama fulintiisu ay mugdi gashay, iyadoo dib-u-soo-celinta xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ay wiiqday rajadii laga qabay hirgelintiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Addis Ababa ka soo laabtay isagoo dib u soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, tallaabadaas oo muhiim u ah la-dagaallanka Al-Shabaab iyo xasilloonida gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, tani kama hor istaageyso Itoobiya inay sii wadato damaceeda ku aaddan helitaanka bad, balse markan waxay u muuqataa inay waddadaas u mareyso iskaashi ay la yeelato dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Warmurtiyeedkii Ankara ee ay garwadeenka ka ahayd dowladda Turkiga ayaa gogol-xaar u noqday in xiisadda la qaboojiyo, lana abuuro jawi iskaashi oo dhex mara Itoobiya oo bad la’aan ah iyo Soomaaliya oo la tacaalaysa amniga gudaha.

- Advertisement -

Read more

Local News