Xog: Xuseen Caydiid oo shirkad sirdoon oo ajnabi ah u qortay inay ka dhigto madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladdii KMG ahayd Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, ayaa shaqaaleeyey shirkad sardoon oo ajnabi ah, si ay u maamusho ololihiisa doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee 2020, oo uu isku soo sharxi doono, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Sida ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Galmudug ay Caasimada Online u sheegeen, ololaha doorashada Xuseen Caydiid ayaa waxaa maamuli doono SAACS Independent Intelligence Agency, gaar ahaan madaxa howl-gallada shirkaddaas Rey Santana.

Guddoomiyihii hore ee isbahaysiga SNA, Xuseen Caydiid ayaa sida la sheegay doonaya inuu ololihiisa doorashada u galo qaab aan horey Soomaaliya uga dhicin, asaga oo shirkaddan sirdoon u adeegsanaya inay usoo ururiso xogta iyo macluumaadka musharaxiinta la loolamaya.

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Xuseen Caydiid ayaa waxa uu si aad ah ula dhacay macluumaad uruurinta ay shirkaddan hore ugu sameysay madaxweynaha Gamudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo horey u shaqaaleeyey. Halkan ka akhri war arrintaas ku saabsan.

Tallaabada Xuseen Caydiid oo ah mid ku cusub Soomaaliya ayaa walaac gelin doonta musharaxiin badan.

Shirkadda SAACS Independent Intelligence Agency, ayaa waxa uu fadhigeedu yahay magaalada Miami ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka, waxaana madax ka ah gabar Cuban-American ah, oo lagu magacaabo Marissa Santana.

Shirkadda SAACS Independent Intelligence Agency ayaa waxa ay sidoo kale tan iyo sanadii 2015 la shaqeyneysay shirkad Soomaali ah oo lagu magacaabo Galeyr Security Services Corps (GSS), oo iyana dhanka ammaanka ka shaqeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com