Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka tirsan Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa maanta sameeyey banaanbax ka dhan ah dowladda cusub ee uu hoggamiye Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kadib markii ay sheegeen inay la siin mushaaraadkooda.
Haddaba Caasimadda Online ayaa dabagal ku sameysay cidda ka dambeyso inaan mushaar la siin ciidamada Militariga Soomaaliya taasina ay keento inay maanta xiraan qeybo badan oo ka tirsan jidka dowladda muhiimka u ah ee Makka Al- Mukarama.
Xogta aan helnay ayaa sheegeyso inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo amar ku bixiyey in si deg deg ah ciidamada Militaridga mushaarkooda loo siiyo waxaana weli arrintaan aan fullin wasaaradda Gaashaandhigga oo amar buuxa iyo saxiix loo siiyey maaliyadda Ciidamada Militariga.
Illo wareedyo ku dhaw dhaw Xafiiska Madaxweynaha ayaa noo xaqiijiyey in madaxweynaha uu amar ku bixiyey in mar hore ciidamada Militariga mushaarkooda la siiyo balse waxaa la sheegay inaysan weli talaabadaas qaadin wasaaradda Gaashaandhigga oo ciidamada u qaabilsan dowladda.
Ilaa hadda lama xaqiijin sababta rasmiga ah ee ka dambeyso in wasaaradda Gaashaandhigga aysan weli fasixin mushaaraadka Militariga iyadoo la ogyahay in ciidamada Booliska ay dhawaan qaateen mushaarkooda.
Banaanbaxaan ayaa imaanayo xilli uu madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ka dhawaajiyey inuu muhiimada kowaad siin doono Ciidamada Xoogga Soomaaliya tanina waxay muujineysaa arrin fool xumo ah waxaana la filayaa inuu dhawaan ka hadlo arrintaan Muqdisho ka dhacday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya ayaa ah sababta ugu weyn oo aysan ilaa hadda ciidamada Militariga mushaarkooda u qaadan.
Caasimadda Online ayaa dabagal ku sameysay haddii wasaaradda Gaashaandhigga ay saameyn ku yeelatay xayiraadii uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya saaray akoonada wasiirada ee Bankiga, waxayna soo ogaatay inaysan xayiraadaas khuseyn akoonada mushaarka laga siiyo ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]