Daawo Sawirro laga soo qaaday waddooyinka Muqdisho ooay jareen militeriga

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ciidamo ka tirsan Milatari DFS oo gadoodsanaa ayaa goordhow jaray inta u dhaxeysa Suuqa B/xuubey ee degmada Wadajir iyo aargada KM-4 oo ah halka ugu mashquulka badan.

Ciidamadaani oo ka gadoodsan Mushaar la’aan ayaa xanibay Gaadiidka iyo isu socodka goobaha ay jareen waxa ayna rasaas ku kala eryinayeen dadka iyo gaadiidka.

Ciidamadan oo tiro ahaan ka badnaa 100 ayaa waxay socod ku mareen qeyb kamid ah wadada Makka Al-mukarrama, waxay xireen xarumo ganacsi oo dhowr ah.

Qaar kamid ah Saraakiisha ciidamadan ayaa sheegay in aysan muddo qaadan wax mushaar ah, waxayna ku doodayeen iney raadinayaan xuquuqdooda.