Xog: Ujeedka rasmiga ah ee Gaas uu u joogo Addis-Ababa iyo arrimo yaab leh oo soo baxay

Garoowe (Caasimada Online) – Sida laga warqabo waxaa shalay ka dhoofay Magaalada Boosaaso ee Puntland  Madaxweyne Gaas oo wajahay caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa, waxaana safarkaas kasoo baxay xog cusub.

Wararka ay caasimadda Online ka heshay illo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiska Gaas ee Garoowe ayaa sheegayo inuu Gaas Magangalyo siyaasadeed waydiisan doono dowladda Itoobiya  maadaama maalmihii ugu dambeeyey ay xaalado foodo ah ka taaganaayeen Garoowe iyo meelo kale oo ka tirsan Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa loo diiday inuu soo galo Magaalada Garoowe waxaana ku kacay koox beeleedyo oo u badan Beesha Ciise Maxamuud oo aad ugu xoogaan Caasimadda Puntland.

Sidoo kale wuxuu mucaarad kala kulmay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo ku qanci waayey siyaasadda la fahmi la’yahay ee uu Gaas ka wado dhulalka Puntland.

Sidoo kale Gaas ayaa la sheegay inuu waddo  silsilado mucaarad ah oo loogu soo horjeedo dowladda cusub ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana La sheegayaa inuu isku xiray kooxo mucaarad ah oo ku sugan Muqdisho iyo kuwa uu isaga ka abuuray Garoowe.

Ugu dambeyntii Cabdiweli Gaas ayaa la filayaa inuu  Adis Ababa u joogo sidii uu hub iyo rasaas uga soo qaadan lahaa dowladda Itoobiya isagoo doonayo inuu dagaal kala hortago beesha Ciise Maxamuud ee mucaaradka ku ah dowladiisa, sidoo kalana wuxuu qorsheenayaa inuu hubeeyo beeshiisa Cumar Maxamuud oo kaliya hadda awood ku leh magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com