Xog yaab leh oo laga helay dhalinyarada ku maqan Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Waalidiinta ay caruurtooda weli ku maqan yihiin dalka Eritrea ee tababarka loo qaaday ayaa markale maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyaga oo dalbanayo in dib loogu soo celiyo ilmahooda.

Qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa banaanka keenay xogo cusub oo ay sheegeen inay ka heleen xaaladda dhalinyaradaasi oo ay horey dowladdu ugu dirtay tababar ciidan.

Waalidiinta ayaa sheegay in caruurtooda ay haatan wajahayaan xaalado adag, isla-markaana loo heysto lacag dhan 50 Milyan, sida ay hadalka u dhigeen.

“Ubadkeena waxaa laga soo sheegay mushaakilaad badan waxaa laga sheegay in lacag lagu leeyahay 50 milyan ayaa la sheegay. Dabcan dowlad, dowlad kale ayaa la xaasho waan ognahay, laakiin annaga cabsi badan ayaa na heysa,” ayuu yiri mid ka mid ah waalidiinta.

Hodan Aadan oo ka mid ah waalidiintan ayaa dhankeeda sheegtay in wiilkeeda loo soo sheegay inuu dhintay hal sano ka hor, isla-markaana si ay xog uga hesho geeridiisa looga qaatay lacag madax furasho ah oo dhan 3,700 oo Dollarka Mareykanka ah.

“Aniga Hodan Aadan wiilkeyga Ayuub Xuseen wuu dhintay illaa iyo hadda hal sano ayuu duugan yahay wax dowlad ah oo ii sheegay malaha wax iiga xog warrmay malaha, lacagna waa la’iiga dhacay $3700 ayaa la’iiga qaaday oo madax furasho ah,” ayey tiri Hodan Aadan.

Ugu dambeyn waalidiinta ayaa ka dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu fuliyo ballantii uu ka qaaday, uuna dib ugu soo celiyo caroortooda.

“Xasan ilamaheynii noo keen Ilaahey ka cabso adaa lagu doortay ilmihii noo keen,” ayey tiri hooyo kale oo goobta ka hadashay.

Sidoo kale hooyo kale oo dibad-baxayaasha ka mid ah ayaa iyaduna cod dheer ku tiri “Waa meeshii nalagu xabadeyn jiray nabad ayaa ku banaanbaxeynaa Xasan Sheekh Maxamuudow noo gurmo.”.

Walaacani markale ka soo yeeray waalidiintaan Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya, iyada oo dowladdii hore ee uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay sheegtay in dalka Eritrea ay ku maqan yihiin illaa 5,000 oo askari, ayna dhammeysteen tababarka, balse keenistooda dib loo dhigay, sababo la xiriiray doorashooyinkii soo dhammaaday ee dalka.