London (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibada Xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa gaaray magaalada London ee caasimadda UK, halkaasi oo safar shaqo uu ku billaabayo.
Senator Ilyaas ayaa waxaa magaalada London kusoo dhoweeyey mas’uuliyiinta Xisbiga Himilo Qaran ee garabka UK.
Waxaa lagu wadaa in Senator Ilyaas uu magaalada London maalmaha soo socda ka qabto howlo la xiriira dar-dar gelinta Xisbiga oo ah mid ka mid ah xisbiyada ugu weyn dalka.
Xisbiga Hamilo Qaran ayaa isku diyaarinaya inuu ka qeyb galo doorashooyinka la filay inay sanadkan ka dhacaan dalka, wuxuuna ka mid ah xisbiyada la filayo inay guulo weyn kasoo hooyaan.