Shan nin oo tuhun uu soo galay oo lagu xiray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hawlgal ay ciidamada amniga ka sameeyeen xaafadaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabtay shan nin, oo lala xiriirinayo falal amni-darro.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir, Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgal laga sameeyay xaafadaha Degmada Wadajir lagu soo qab qabtay shan nin, oo loo haysto falal amni-darro.

“Hawlgalka waxaa hadda lagu soo qabtay dad ay tiradoodu gaareyso illaa shan qof oo looga shakiyay inay wadaan falal amni-darro ah, waana la baarayaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Wadajir.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in hawlgalada Degmada Wadajir ay noqon doonaan kuwo joogto ah, iyadoo markaasi lagu bartilmaameedsanayo kuwa dadka ku baarta mindiyaha.

“Wuxuu noqon doonnaa hawlgalka laga samaynayo Degmada Wadajir mid joogto ah, haddii ay ahaan lahaayen qoladaan hadda soo batay ee mindileyda ah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Gudoomiyaha Degmada Wadajir ayaa waalidiinta ku dhaqan Degmada Wadajir ugu yeeray in ay ubadkoodu ka reebaan xaalad abuurka ka dhanka ah amniga, haddii kalena ay sharciga la tiigsan doonaan.

“Hooyo kasta iyo aabe kasta waxaan fareynaa inuu wiilkiisa kala baxo xaaladda uu ku jiro, haddii ay fariintaas ka jawaabi waayaana qof kastoo lagu qabto xaalad amni-darro waxaa la marsiin doonnaa si sharciga waafaqsan oo sharcigaa la horgayn doonnaa.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Ciidamada Dowladda ee xilliyada qaarkood rasaasta macno la’aanta isaga rida inay joojiyaan, bacdamaa ay qalqal ku abuureyso dadka deegaanka.

“Waxaan rabaa inaan baaq u diro nimanka hubeysan, ha ahaadaan militari ama ciidamada noocyadooda kala duwan xabadaha sida maalaa-yacniga ugu qalqal-gelinayo bulshada haka waan-toobaan, xabad aan cadowga lala beegsanayn.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu oo intaa ku daray in ciddii aan ka waan-toobina ay sharciga la tiigsanayaan.

Hawlgalkan laga sameeyay Degmada Wadajir ayaa ku soo aadaya, xilli Degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinley oo leesku yiraahdo (Madiina), ay ku soo badanayaan falalka lagu baarto bulshada kala duwan ee ku dhaqan.