Adeegga FOREX oo laga mamnuucay SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay xaafiiska guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland, ayaa gabi ahaanba lagu mamnuucay adeega sarifka lacagaha qalaad ee FOREX.

“Banka Dhexe ee Somaliland waxa uu in mudo ah dusha kala socday barnaamijka Forex, waxa uu sameeyey baaris iyo daraasad qoto-dheer, waxaa u cadaatay in barnaamijka Forex uu la nuuc yahay barnaamijkii la dhihi jiray ‘Jiif oo jiq’ isla markaana aysan jirin suuqyo iyo shirkado sharci leh oo la maal gashanaayo”ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xaafiiska guddoomiyaha Banka Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac.

Sidoo kale qoraalka ayaa cid walba oo ay khuseyso arinta Forex waxaa lagu war geliyey in gabi ahaanba uu mamnuuc ka yahay Somaliland, iyadoo la tixraacayo qodobka 97aad faqradiisa 1aad ee dastuurka Somaliland.

“Sidaa  aawgeed Banka Dhexe waxa uu ku war-gelinayaa bulsha weynta  Somaliland, hey’adaha kala duwan ee xukuumadda iyo cid kasta oo ay khuseyso, in barnaamijka Forex uu mamnuuc ka yahay Somaliland, sida ku qeexan qodobka 97aad faqraddiisa 1aad ee  dastuurka Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka Banka Dhexe.

Ugu dambeentii war-saxaafadeedka ka soo baxay xaafiiska guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland ayaa lagu yiri, “Anagoo ku kalsoon in bulsha weynta, hey’adaha dowladda iyo cidii kale ee ay khuseyso ay fulin doonaan qodobka kor ku xusan, naga guddooma salaan diiran”.

Hoos ka aqriso warqadda