Xoghayaha Arrimaha Dibeda Mareykanka oo war cusub kasoo saaray xaaladda hoggaamiye Kim Jong Un

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay inaan meel lagu sheegin hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un, oo muddo toddobaadyo ah laga dayrinayo xaaladdiisa.

Pompeo ayaa sheegay in Mareykanka ayaga oo adeegsanaya sirdoonkooda ay raadinayaan astaamo la xiriira halka uu ku sugan yahay Kim, islamarkaana ay si dhow ula socdaan wararka la xiriira xaaladdiisa cafaimaad.

“Ma aynan arag mana hayno wax akhbaar ah oo ku saabsan, si dhow ayaan ula soconaa xaaladda,” ayuu yiri Pompeo oo la hadlay taleefishinka Fox News.

Kim Jong Un, oo ah 36-jir, ayaa markii ugu dambaysay ee la arkay waxa ay ahayd 12-kii April, xilligaas oo uu ka soo muuqday warbaahinta qaranka.

Toddobaad kadib xilligaas, warbaahinta Korea-da Koonfureed, kuwa Japan iyo qaar ka mid ah kuwa Mareykanka ayaa dhowaan weriyey in Kim uu xaalad halis ah ku sugan yahay kadib qalliin qaldamay oo looga sameeyey wadnaha.

Wargeyska toddobaadlaha ah ee dalka Japan ee Shukan Gendai ayaa weriyey in xubin ka mid koox caafimaad oo Shiinaha ay u direen Korea-da Waqooyi uu xaaladda Kim u sharxay tifaftiraha saree e Wargeyska Kondm Daisuke.

Dhaqtarkan ayaa sheegay in intii lagu guda jiray booqasho uu horraantii bishan ku tegay baadiyaha, uu Kim wadnaha qabsaday kadibna dhulka ku dhacay.

Dhaqtar wehliyey ayaa durba siiyey neef, kadibna waxaa loola cararay qeybta xaaladda deg degga ee isbitaal ka ag dhowaa, halkaas oo looga sameeyey qalliin dhinac wadnaha ah.

Kooxda caafimaadka ayaa rumeysan in qalliinka fududaa, balse daahitaan dhacay uu sababay in Kim Jong un uu galo xaalad halis ah.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniinta sheegay inuu “ra’yi wanaagsan ka haysto” xaaladda caafimaad ee Kim, hase yeeshee waxa uu intaasi ku daray “kama hadli karo”. “Caafimaad baan u rajanayaa,” ayuu sii raaciyay.

Pompeo ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka ay sidoo kale la socdaan xaaladda guud ee Korae-da Waqooyi, maadaama ay jirto halista cudurka Coronavirus.

“Halista hadda jirta ayaa ah inay jiri doonto macluul iyo cunno yari ka dhacda gudaha Korea-da Waqooyi. Si dhow ayaan ula soconaa, sababtoo ah taas waxay saameyneysa howlgalka aan dejinay ee ah in Korea-da Waqooyi laga dhigo dal aan lahayn Nuclear,” ayuu yiri xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka.