Muqdisho (Caasimada online) Xoghayihii ururka Xizbul Islaam, Sheekh Maxamed Macalin oo maalin ka hor ay dowlada Soomaaliya Xabsiga u taxaabtay ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyay waxyaaha xilligan keenay in dowladu ay xirto.
Wuxuu sheegay in hal habeen uu ku jiray xarunta hey’ada nabad sugidda Soomaaliya ee Guriga Habarqadiijo ee degmada Cabdi casiis halkaas oo lagu xiray kadib Shirkii Jaraa’id ee uu Muqdisho ku qabtay 16-kii Bishan.
Sheekh Maxamed Macalin, wuxuu sheegayin wax laga weydiiyay Shirka jaraa’id ee aayaha Xizbiga looga hadlayay ee uu Muqdisho ku qabtayoo uu tilmaamay inaysan dowladu waxba kala socon .
Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay inay u xirtay sababta Shir aysan ka warheyn uu ugu qabtay Muqdisho , waxaana arin shaki dhalisay uu ku tilmaamay in Xizbul islaam oo lagu ogaa urur hubeysan yihiin inay Muqdisho Kulan ku yeeshaan .
Maxamed Aadan Koofi, Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Banaadir ayuu farta ku goday inuu ka dambeeyay Xariga loo geystay , waxaana uu sheegay in inta uu xirnaa uusan la kulmin wax dhibaato ah .
Ugu dambeyn wuxuu ka warbixiyay qaabka uu mar kale Xuriyadiisa ku helay isagoo sheegay in Su’aalo dhowr ah lga waydiiyay arimaha Xizbigooda iyo kulankii 16-kii Bishan eee Muqdiho ka dhacay kadibna la iska soo daayay sida uu tilmaamay .
Si kasto Xizbul Islaam oo uu hogaan u yahay wali Xasan Daahir Aweys sida ay sheegeen madaxda Xizbigaas oo dowlada u xiran ahaana xizbi hubeysan ayaa iminka labo u kala jabay kadib markii Shalay Sheekh Ismaaciil oo ah Xoghaya guud ee Xizbiga horena u ahaa Afhayeenka Xizbigaas uu sheegay inay xilka ka qaadeen Sheekh Maxamed Macalin oo ay tilmaameen inuusan matali karin Xizbiga.
Dowlada Soomalaiya ayaa maalin ka hor Xabsiga dhigtay Sheekh Maxamed Macalin oo ahaa Xoghayihii Xisbul Islaam kadib markii 16-kii bishan uu Shir jaraa’id uu qabtay uu kaga waramay arimo dhowr ah sheegayna inuu xibigoodu wali yahay mid dhisan inkastoo uu sheegay inuu yahay mid siyaasadeed.
Halkaan ka dhageyso codka Sheekh Maxamed Macalin
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho