Xogo dheeraad ah oo laga helaayo Jabsashadii Xafiiska Hanti dhowraha Qaranka (Yaa loo qabtay?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Xadgudubkii lagu sameeyay Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo lagala baxay Dukumiintiyo dhowr ah.

Jabsashada Xafiiska ayaa la xaqiijiyay in loo qabtay ilaa 8 Ruux oo ka kala tirsan Howlwadeenada Xafiiska iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia kuwaa oo ka tirsanaa Dowladii dhacday ee Xasan Sheekh.

Dukumiintiyada lagala baxay Xafiiska ayaa la sheegay inay ku jiraan Dukumiintiyo dhulboob ah iyo Kiisas lagu wareersanaa oo iminka loo helay cadeymo isla markaana lugu helay Xildhibaano ka tirsan BFS ee iminka jira.
Shaqsiyaadka loo qabtay falka Jabsashada ayaa waxaa ku jira

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka kuwaa oo iminka Kiiskooda ay gacanta ku heyso Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo la hadlaayay Idaacada Dalsan ayaa xaqiijiyay in la Jabsaday Xafiiskiisa isla markaana lagala baxay Dukumiintiyo.

Waxa uu sheegay in Kiiskaasi loo qabtay Shaqsiyaad uusan carabaabin, balse xog aan helnay ayaa sheegeysan in shaqsiyaadka la qabtay ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Dowlada.

Kiiska Jabsashada Xafiiska Hanti dhowraha ayaa iminka gaaray heer xun waxa uuna Madaxweynaha arrinta baaritaanka u xilsaaray Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka.

Sidoo kale, Kiiska ayaa la filayaa inuu u gudbo ilaa Maxkamada Sare ee dalka waxaana lagu wadaa in baaritaanka socda laga soo saaro natoojo.

Dhinaca kale, falkaani ayaa kusoo beegmaaya xili Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha ay dhawaan shaaciyeen inay masixi doonaan shaqsiyaadka ku sifoobay Musuqa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com