Xogo dheeraad ah oo laga helayo markabka hubka sida ee lagu qabtay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ciidamada ammaanka Maamul Goboleedka Jubaland ayaa gacanta ku dhigay Markab siday Bastoolado iyo Rasaas aad u farabadan kuwaa oo la doonaayay in gudaha loo galiyo Magaalada Kismaayo.

Markabka ayaa siday Raashiin kala ceyn ah oo u rarnaa Ganacsato Soomaali ah, waxaana la sheegay in Markabkaasi qeyb kamid ah Alaabta uu waday ay ku wajahneyd dalka Sudan.

Sargaal ka howlgala Dekadda Kismaayo, ayaa sheegay in Waraaqaha manafeestada Markabka ay ku qoran yihiin in Markabku wado Baco iyo Bustayaal Transit ku ah Sudan.

Shixnadan lagu sheegay Bacyaha iyo Bustayaasha ayaa goortii la baaray lagu arkay kaartoomo ay ka buuxaan Bastoolado iyo Rasaas kala nooc ah kuwaa oo loogu tallo galay in qaab Bagaash loo galsho magaalada.

Markabka ayaa ka diiwaan gashan magaalada Pretoria ee dalka Koofur Africa, waxaana la sheegay inuu u rarnaa ganacsade magaciisa lagu sheegay Cabdi Jamaal.

Ciidamada Amaanka ayaa xiray Kabtanka waday Markabka, Shaqaalaha iyo dhowr Ganacsato oo rarkaasi wax ka lahaa kuwaa oo laga wareysanaayo halka uu rarka uga imaaday iyo Tirrada Ganacsato ee leh.

Kabtanka oo si hordhac ah loo wareystay ayaa sheegay in Shixnada Hubka iyo Rasaasta ah dhex laga soo saaray Markabka, waxaana baaritaanka haya Saraakiil ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa Ethiopia ka jooga Dekadda Kismaayo.

Jubbaland ayaa sheegtay in wixii kasoo baxa Baaritaanka ay la wadaagi doonaan Warbaahinta si loo soo bandhigo halista ay Ciidamada Jubbaland ka hortageen.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com