25.3 C
Mogadishu
Sunday, November 9, 2025

Xogta ciidamo oo isku fidiyay duleedka Jowhar kadibna…

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya ay isku fidiyeen deegaano dhaca duleedka magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

Ciidamada ayaa howlgal culus ka sameeyay inta u dhexeysa Jowhar iyo deegaanka Buurane, halkaas oo mararka qaar ay weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo ay ka fuliyaan Al-Shabaab.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa amni xaqiijin, iyada oo ciidamadu ay miino baaris ka sameeyeen hareeraha laamiga dheer ee isku xira Jowhar iyo deegaannada hoostaga.

Saraakiisha ciidanka Burundi ayaa sidoo kale intii ay ku guda jireen howlgalkooda la kulmay dadka deegaanka, waxayna kala hadleen ammaanka iyo inay wada shaqeeyaan.

Ma shaacin saraakiishu natiijada laga gaaray howlgalka maanta ka dhacay aagga magaalada Jowhar oo indhawaanahaan laga dareemayay xaalado amni oo soo kordhay.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa marar kala duwan si dhuumaaleysi ah ku yimid deegaannada howlgalka laga sameeyay, taas oo keentay in ciidamada heegan la galiyo, sidoo kalena la kordhiyo howlgallada roondooyinka ah ee laga sameeyo halkaas.

Xaaladda ayaa hadda deggan, mana jiro wax iska caabin ah oo ay la kulmeen ciidamada Burundi oo iyagu daggan duleedka Jowhar, isla markaana qayb ka ah dagaalka Shabaab.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo dhawaan dib ula wareegtay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo ku yaalla gobolkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News