28.9 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Xogta dagaal culus oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab oo maanta ka dhacay banaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo dhex maray labada dhinac.

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo ka baxay xerada ayaa iska difaacay duulaanka Al-Shabaab, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka la’isku laabtay laba mar, waxaana ay dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Jubbalnad ayaa sheegay in dagaalka ay ku jabiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad qayb ka ahaa weerarka la fashiliyay.

Waxaa kale oo ay tilmaameen inay soo furteen hub iyo saanad milatari oo ay ka carareen xubnaha weerarka soo qaaday ee markii dambe lagu jabiyay dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose.

Shabaab ayaa ku xooggan Jubbooyinka oo ay ku leeyihiin saldhigyo waa wayn oo ay kasoo abaabulaan weerarada ay ku qaadaan fariisimaha ciidamada ee ku yaalla gobolladaas oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News